7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 15, 2024
Alshabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay degmada Boondheere
 

Isniin, Luulyo, 15, 2024 (HOL) - Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkii ismiidaamin ahaa ee xalay ka dhacay maqaayadda Top Coffee oo kutaala degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan shan qof iyo dhaawaca 20 kale.

War qoraal ah oo lagu baahiyay baraha internetka Alshabaab, ayaa lagu sheegay in kooxdu ay weerar ismiidaamin ah la beegsaday goob ku dhow Villa Soomaaliya oo ay sheegeen inay ku caweeyaan saraakiisha, sirdoonka iyo shaqaalaha dowladda.

Alshabaab waxay sheegeen in barta uu ka dhacay weerarka ay tahay meel ammaankeeda aad loo ilaaliyo, balse iyaga ay u suurto gashay inay weerar gaari loo adeegsaday ay ka geystaan halkaas.

Marka lagasoo tago sheegashada Alshabaab, lama xaqiijin wax ciidan ah ama shaqaale dowladeed oo ku geeriyooday weerarka. Booliiska Soomaaliya ayaa sheegtay in dadka weerarkaas ku geeriyoodeen ay u badnaayeen dad shacab ah oo waddada marayay, kuwaas oo uu qaraxu halleelay.

Si kasta ha ahaatee, weerarkaan ayay dad badani aaminsan yihiin in Alshabaab ay ku muujinayaan jiritaanka halistooda amni, xilli magaalada Muqdisho ay ka yaraadeen weerrarada nuucaan ah.