7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 15, 2024
Muqdisho: Shan qof oo ku geeriyooday qarax xalay lagu weeraray goob lagu daawanayay cayaarta Spain iyo England
 

Isniin, Luulyo, 15, 2024 (HOL) - Qarax ka dhacay bannaanka maqaaxi lagu shaaheeyo oo ku taalla degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan shan qof, sida ay booliisku sheegeen.

Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxan ayaa daawanayay ciyaartii u dhaxeysay Spain iyo England, ka hor intaanu gaari laga soo buuxiyay walyaabaha  qarxa uusan ku qarxin goobta cayaarta lagu daawanayay, sidaasi waxaa yiri Cabdifitaax Aadan Xasan, oo ah afhayeenka booliiska.

Afhayeenka Booliiska ayaa sheegay in ugu yaraan 20 qof oo kale ay ku dhaawacmeen weerarka.

Sawirro goobta laga soo qaaday ayaa muujinayay dab ka kacay afaafka hore ee maqaayadda Top Coffe, qaraxa kadib.

"Qaar ka mid ah dadkii daawanayay ayaa dhaawacmay xilli ay isku dayeen inay ka boodaan darbiga maqaaxida, qaar kalena waxay ku dhaawacmeen isbuurasho," ayuu yiri mid kamid ah goob joogayaasha goobta uu falku ka dhacay.

Inta badan dadka ku waxyeeloobay qaraxa ayuu sheegay in ay ku sugnaayeen waddada xiliga uu qaraxa dhacayay.