7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 15, 2024
Booliiska Soomaaliya oo ka hadlay khasaaraha ka dhashay Qarax Ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Muqdisho
 

Isniin, Luulyo, 15, 2024 (HOL) - Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qarax Ismiidaamin ahaa oo Xalay lagu weeraray Maqaayad ku taala degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa Ismiidaaminta oo ahaa mid kooxda Al-shabaab ay u adeegsatay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 5 ruux oo shacab ahaa, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 20 ruux oo kale.

Maqaayada Qaraxa Ismiidaaminta ah lagu weeraray oo lagu magacaabo Top Coffe ayaa la sheegay iney waqtigaas ku sugnayeen dhalinyaro badan oo halkaas ku daawanaayay Ciyaarta Finalka aheyd ee u dhaxeysay Spain iyo England.

"14-july-2024 abaaro 10:28pm Kooxaha Argigixisada ah ee Caadeysatey in ay la dagaalamaan horumarka iyo Nabadda Bulshada Soomaaliyeed waxay Gaari ay ka soo buuxiyeen Walxaha Qarxa Baakimeen Goob Maqaayad ah oo lagu magacaabo (Top) oo ay Dhalinyara Soomaaliyeed ay ku caweynaysay oo ku Taala Degmada Boondhere, waxaana la xaqiijiyey ilaa hada geerida 5 Qof iyo ilaa 20 qof oo Dhaawac fudud ah . Waxaa jira Qasaare Hanti oo u badan Baabuur ay lahaayeen Dhaliyarta Goobta ku caweynaysay" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Booliiska Soomaaliya.

Qaraxaan Ismiidaaminta ee Xalay ka dhacay Muqdisho ayaa kusoo beegmaya, iyadoo magaalada dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ka nasatay weerarada noocaan oo kale ah oo ay kooxdu ka geysan jirtay gudaha magaalada Muqdisho.