7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 15, 2024
Taliyahii Xabsiga Dhexe ee Xamar oo shaqo ka joojin lagu sameeyay iyo taliye kale oo la magacaabay
 

Isniin, Luulyo, 15, 2024 (HOL) - Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Jenaraal Mahad Cabdiraxman Aadan ayaa shaqo ka joojin si ku meel gaar ah waxaa loogu sameeyay taliyahii Xabsiga dhexe Seereeye guuto Daahir Cabdulle Raage, kadib weerarkii khasaaraha geystay ee maalin kahor ka dhacay Xabsiga dhexe ee Xamar.

Wareegatada ayaa sido kale lagu magacaabay ku simaha Taliyaha Xabsiga dhexe ee Xamar Jeneraal Maxamed Xuseen Axmed mudada uu socda baaritaanka la xariira weerarkii Xabsiga ka dhacay Sabtigii.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa sidoo kale magacaabay guddi baaris ku sameeynaya shaqaqadii maalin ka hor ka dhacay gudaha Xabsiga dhexe ee Xamar, taasoo dhalisay shaki aad u wayn oo la xariira sida maxaabiista dagaalantay ay ku heleen hubka ay ku dagaalameen.

Weerarkaas ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 5 xubnood oo ka mid ahaa maxaabiista xabsiga oo horay uga tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ku xukuna dil toogasho ah, islamarkaana dhamaantood toogasho lagu dilay, halka ilaada ciidanka Xabsiga ay ka dhinteen sadax askari.