8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 6 , 2024
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo meel mariyay danjirayaal cusub oo la magacaabay
 

Talaado, Agoosto, 6, 2024 (HOL) - Kulan deg deg ah oo ay caawa yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay magacaabista safiiro cusub oo Soomaaliya ku matali doona dalka dibadiisa.

Danjirayaasha la magacaabay ayaa ka kooban 14 xubnood, waxaana la magacaabay 12 safiir, halka labo kale loo magacaabay qunsulka guud.

Lama sheegin dalalka gaarka ah ee dublamaasiyiintan loo diri doono.

Magacaabiddan waxay noqoneysaa markii saddexaad oo madaxweyne Xasan Sheikh uu magacaabo danjirayaal, tan iyo markii loo doortay madaxweynaha Soomaaliya bishii May, 2022.

Bishii June ee sannadkii la soo dhaafay, wuxuu madaxweynuhu magacaabay 14 safiir, isagoo isla bishii November magacaabay danjirayaal kale.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay muhiimada istiraatijiyadeed ee danjirayaashan loo magacaabay, in ay qeyb ka yihiin dadaallada ay dowladdu ku dooneyso inay ku horumariso danaheeda diblomaasiyadeed ee caalamka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa dhawaan muujiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xulufada ay ku leedahay caalamka. Wuxuu caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay dhisidda saaxiibo Soomaaliya ku taageera masraxa caalamka.

Waa kuwan danjirayaasha la magacaabay.

1. Ibraahim Cumar Sheegow – Safiir

2. Sheekhnuur Maxamed Xasan – Safiir

3. Jaamac Xasan Khaliif – Safiir

4. Dr. Cabdulkhaadir A. Xaashi – Safiir

5. Fardowsa Maxamed Qanyare – Safiir

6. Faysal Axmed Salaad – Safiir

7. Abiib Muuse Faarax – Safiir

8. Dr. Hodan Cismaan Cabdi – Safiir

9. Ilyaas Cali Xasan – Safiir

10. Dr. Sakhawadiin Mustaf Maxamed – Safiir

11. Maxamed Abuukar Zubeer – Safiir

12. Cabdinuur Daahir Fiidow – Safiir

13. Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indhaguran) – Qunsul Guud

14. Cabdikariin Axmed Maxamed – Qunsul Guud