8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 6 , 2024
Madaxweyne Deni: Go'aan saxan ayuu ahaa inaan joojino Shilin Soomaaliga, haddii kale dadkeennu way cayrtoobi lahaayeen
 

Talaado, Agoosto, 6, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay go’aankii Puntland looga joojiyay isticmaalka lacagta shilin Soomaaliga ee sanadkii 2021, taasoo dhaxal siisay in dadka Puntland ku nool ay ku tiirsan yihiin isticmaalka Doolarka.

Madaxweyne Deni ayaa ku andacoodey in talaabadaasi ay shacabka Puntland ka badbaadisay Caydh, sababtoo ah wuxuu tilmaamay in shilin Soomaaligu uu keenay dhaqaalo xumo ka dhalatay qiimo dhaca ku yimid iyo lacagaha faalsada ah ee suuqyada lasoo galiyay.

“Lacag shilin Soomaali ah oo u dhiganta 7 milyan oo dollar ayaa noo keydsan, meel aan geynona ma jirto. Ma jirto dowlad dhexe oo lacag kale noogu beddesha, haddii aan tallaabadan qaadi lahayn dadkeennu wuxuu maanta noqon lahaa caydh,” ayuu yidhi Madaxweyne Deni.

Deni ayaa mar kale yiri,” “Waxaan ku faraxsanahay inuu go’aankaas badbaadiyay hantidii dadka masaakiinta ah, oo niman joogo meel ka baxsan Puntland intay mashiino dhigteen bay waxay daabici jireen lacagta faaliso ah, markaasaa intii la keeno ayaa dollarka laga qaadan jiray dadkan. Waxaan qaadanay todobo milyan oo dollar, waxaanse xakamaynay 100 milyan oo dollar oo sidaas oo kale loo dhici lahaa haddii aan sii dayn lahayn isticmaalka shilin Soomaaliga.”

Madaxweynaha Puntland wuxuu tilmaamay culays ay kala kulmeen bulshada awgeed, inuu mar guddiyo gaar ah u saaray sidii loo socod siin lahaa lacaga shilinka Soomaaliya, hase ahaatee wuxuu sheegay in dadaaladaas ay socon waayeen markii ay dadku si cad u diideen inay qaaatan.

Hadalkan ayuu Deni sheegay, kaddib markii shacabka Burtinle ay wax ka weydiiyeen in maamulkiisu ku howlan yahay in lasoo celiyo lacagta shilinka Soomaaliga ah oo ay dadku markii hore aad ugu tiirsanaayeen.