8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 6 , 2024
Taliyaha cusub ee howlgalka ATMIS oo sheegay inay ka go’an tahay yaraynta khatarta Alshabaab
 

Talaado, Agoosto, 6, 2024 (HOL) - Gen. Sam Kavuma oo u dhashay dalka Uganda ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka taliyaha ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS. Waxa uu bedelay Lt. Gen. Sam Okiding, oo bishii April ka tagay shaqada si uu u noqdo ku xigeenka madaxa ciidamada difaaca dadka Uganda (UPDF).

Gen. Sam Kavuma oo Axadii yimid Soomaaliya ayaa wadahadal la yeeshay Madaxa ATMIS Ambassador Mohamed El-Amine Souef iyo hoggaanka sare, isagoo ka helay warbixinno ku saabsan xaaladda amniga Soomaaliya iyo qorshayaasha socda.

Gen. Kavuma ayaa bogaadiyay dadaallada wadajirka ah ee ay wadaan DFS iyo saaxiibada caalamiga ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in ATMIS ay sii wadi doonto sida ay uga go’an tahay yareynta saameynta Al-Shabaab iyo horumarinta nabadda, taasoo sida uu sheegay u sahlaysa Soomaalida inay dib u dhistaan qarankooda cabsi la’aan.

Gen. Kavuma waxa uu dalkiisa kasoo qabtay xilal sarsare oo badan, oo ay ku jiraan Taliyaha Qaybta, Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Cirka, iyo Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Dhulka. Kahor magacaabistiisa ATMIS, waxa uu ka soo shaqeeyay baarlamaanka Uganda iyo ku xigeenka madaxa isku xirka barnaamijka hanti-abuurka qaranka.

Waxa uu soo hoggaamiyay ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) intii u dhaxeysay 2014 ilaa 2016, waxaana uu sidoo kale taliye u ahaa howlgalka gobolka ee ka dhanka ah  fallaagada iska caabinta Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.