8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 6 , 2024
Horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab oo lagu qabtay gobolka Galgaduud

Talaado, Agoosto, 6, 2024 (HOL) - Ciidamada amaanka maamulka Galmudug ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka sameeyeen  gobalka Galgaduud kusoo qabtay Horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab oo lagu magacaabo Idiris Maxamed Sheekh.

Horjoogahaan ciidamada amaanka Galmudug gacanta kusoo dhigeen ayaa lagu qabtay deegaanka Mareerguur ee gobolka Galagaduud waxaana la sheegay inuu kooxda u qaabilsanaa dhanka uruurinta lacagaha baada ee kooxdu ugu yeerto Sakawaadka.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in Horjoogahaan uu sidoo kale horay u soo noqday horjoogaha Al-shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe ka hor inta aanan laga xoreyn kooxda gobolkaas.

"Horjoogahaan dhiigya cabka ah ayaa sidoo kale ka soo howlgalay gobalada Baay iyo Bakool, wuxuuna ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu dhow Horjoogaha Khawaarijta ee Axmed Diiriye, Hay’adaha Amniga ee dowladda waxaa ka go’an in ay sharciga horkeenaan danbiilayasha Khawaarijta ah ee ku hawlan waxyeelaynta Shacabka Soomaaliyeed" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Tan iyo markii ay dowladda xooga saartay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka, waxaa aad u soo kordhaayay horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka ka tirsan kooxda Al-shabaab ee usoo gacan galayay dowladda iyo kuwa isku soo dhiibayay dowladda ee kasoo baxsanaaya kooxda.