8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 6 , 2024
Kamala Harris oo si rasmi ah u noqotay musharraxa madaxweynaha Maraykanka ee xisbiga Dimuqraadiga
 

Talaado, Agoosto, 6, 2024 (HOL) - Xisbiga Dimuqraadiga ayaa ku dhawaaqay in madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Kamala Harris ay xaqiijisay taageerada 99% ergooyinka, si ay si rasmi ah ugu noqoto musharraxa madaxweynaha Maraykanka, ka dib markii la soo gabagabeeyay shan maalmood oo cod bixin online ah.

Waxay noqotay haweeneydii ugu horeysay ee madow ah oo xisbigeeda uu si aqlabiyad leh ugu codeeyo inay ku matasho doorashada madaxweynaha Maraykanka ee bisha November, sida ay sheegtay Associated Press.

Harris, oo 59 jir ah, ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ku xigeen ka noqota dalka Mareykanka sanadkii 2020. Waxay doorashada soo socota wajihi doontaa  madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump, kaasoo dhawaan sheegay inuu si fudud uga guulaysan doonto haddii ay isisoo sharaxdo.

Kamala Harris iyo musharaxeeda madaxweyne ku xigeenkeeda oo la filayo inay ku dhawaaqdo maanta ama berri, waxay haysan doonaan wax ka yar 100 maalmood si ay u ololeeyaan ka hor doorashada Noofambar.

Haddii Harris ay ku guulaysato Doorashada, waxay noqon doontaa madaxweynihii ugu horreeyay ee dumar ah ee Maraykanka soo mara,  sidoo kale madaxweynihii ugu horreeyay ee asal ahaan ka soo jeeda Koonfurta Aasiya iyo madaxweynihii labaad oo Madow ah.

Durba Harris waxa ay telegraph ka sheegtay in aysan qorsheyneynin in ay wax badan ka weecato barmaamijyada iyo siyaasadaha uu dejiyay Joe Biden, oo dhawaan iska casilay inuu mar labaad u tartamo doorashada soo socota.