8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 6 , 2024
Jubbaland oo bilowday howlgallo lagula dagaalamayo isticmaalka Indhashareerka
 

Talaado, Agoosto, 6, 2024 (HOL) - Ciidamada ammaanka ee Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay oo gubay boqollaal indho shareer ah oo ay xirnaayeen haweenka ku nool magaalada Kismaayo.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagula dagaalamayo kooxaha Al-Shabaab, kuwaasi oo looga shakisan yahay in ay u isticmaalaan Niqaabka inay ku qariyaan aqoonsigooda xilliyada ay weerarrada qaadayaan.

Warsame Axmed Geelle oo ah taliyaha Ciidanka Booliiska Kismaayo, ayaa waxa uu sheegay in la soo afjaray Niqaabka, xilli uu warbixin siiyay TV-ga Jubbaland. Waxa uu sheegay in hindisahan looga gol leeyahay in laga hortago in dambiilayaasha la baadi goobayo ay ku qariyaan wajiyadooda Niqaabka.

Jubbaland ayaa mar kale ku celisay mowqifkeeda ka dhanka ah niqaabka, iyadoo markii hore mamnuucday xirashada Indha-shareerka sanadkii 2013-ka sababo dhanka ammaanka ah.

Maamulka ayaa ka digay in haweenka lagu qabto niqaabka ama si buuxda u daboolaya wajiyadooda ay la kulmi doonaan ciqaab dhanka sharciga ah, oo ay ku jirto xabsi ama ganaax.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli welwel joogto ah laga qabo khatarta Al-Shabaab, oo dhawaan lagu jebiyay dagaallo ka dhacay degaanka Buulo Xaaji, halkaas oo Alshabaab weerar ay soo qaadeen looga dilay ku dhawaad 100 dagaalame.