8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 23, 2024
Xisbiga Waddani oo hadalkii Raysal Wasaare Xamse ku tilmaamay mid Somaliland lagu kala qaybinayo
 

Jimco, Agoosto, 23, 2024 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani ayaa hadalkii Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre uu ku sheegay in ay rajo ka qabaan doorashooyinka Somaliland, ku tilmaamay mid la doonayay in lagu kala qaybiyo reer Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa yidhi “Qaranka Somaliland waa mid ee labo ma aha, xisbiga WADDANI waxa uu beeninayaa warka laga soo tebiyay Raysalwasaaraha Soomaaliya. Ujeeddo kasta oo hadalkaasi xambaarsan yahay ama lagu doonayo in dadkayaga lagu qaybiyo waa riyo-maalmeed".

Waxa uu sheegay in mucaarad iyo muxaafadba ay ka simanyihiin qadiyada Somaliland, isla markaana shacabka Somaliland ay ku midaysanyiin qadiyada.

"Mucaarad iyo muxaafid, qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland waa aannu ka midaysannahy. Somaliland iyo dadkeeduna waa ul iyo diirkeed, siyaasadda WADDANI na waa Qaranka Somaliland waa MID ee labo ma aha” Waxaa qoray Gudoomiye Xirsi .

Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo xalay ka jawaabayay su'aalo shacabku waydiiyeen, ayaa sheegay in ay rajo ka qabaan in ay wada shaqayn yeeshaan hadii madax cusubi ay Somaliland qabsato.

Waxaana jira dad badan oo hadalka Raysal Wasaare Xamse u fasiray in uu ula jeeday xisbiga Waddani, iyada oo ay dadku baraha bulshada kaga codsanayeen in madaxda xisbigu wax ka tidhaahdo hadalka raysal wasaaraha.