8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 23, 2024
Raysal Wasaare Xamse "Itoobiya kama mid noqon doonto howlgalka cusub hadii aysan ka noqon heshiiski MOU-da"
 

Jimco, Agoosto, 23, 2024 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Itoobiya aysan ka mid noqon doonin howlgalka cusub ee badalaya ATMIS, hadii aysan ka laaban heshiiskii ay la gashay Somaliland bilowgii sanadkaan.

Wuxuu tilmaamay Raysal wasaaraha in dowladda Soomaaliya ay gudbisay qaraar ka dhan ah xadgudubka dowladda Itoobiya ku hayso Soomaaliya, islamarkaana jawaabta la sugayo ay tahay in Xukuumadda Addis Ababa ay ka laabato heshiiska haddii ay diidana ciidankeeda laga saari doono gudaha Dalka.

“Haddii Itoobiya aysan ka noqon MOU-da Heshiiskii ay la gashay Maamulka Somaliland ciidan keeda kama mid ahaan doonnaan howlgalka soo socda, haddii ay sii joogaan magac kale ayay yeelan doonaan”ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Raysal wasaare Xamse ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay kaga guuleystay Itoobiya dhinaca diblumaasiyada ee la xariirta damaceeda ku aadan inuu hirgalo heshiiska ay la gashay Somaliland.

"Itoobiya hada waxaan soo istaajinay meel cidlo ah oo banaan heshiiskii MOU-da si ay u dhaqan gashato markaan diidnay waxay ku carartay dalalka Kenya, Qatar, Sacuudiga, iyadoo ugu dambeyn u tagtay walalahena Turkiga, heshisyada waxaan u aqbalnay hadu qof maradada kugu qabsado waa laga garbaxa, waan ogtihiin heshiiska Soomaali oo dhana ka hortimid Barbara, Hargeysa, Burco iyo Borama oo dhaman Somaliland ah ayaa shacabku diideen heshiiska, mana ahan wax Soomaali mel kasto jooga u cuntamaya" ayuu yiri Raysal wasaaraha.

Raysal wasaare Xamse ayaa carabka ku adkeeyay in hadii Itoobiya ay soo marto hanaanka caalamiga ah iyo sharciyada dunida oo ay ku wada dhaqmaan dalalka badda leh iyo kuwa aan laheyn iney Soomaaliya oggoshay in Itoobiya si lamida sida ay dekadaha Jabuuti u adeegsato ay wax kala soo degto dekadaha kale ee Soomaaliya.

Hadalkaan ayuu ka sheegay Raysal wasaaraha Soomaaliya kulan dadweyne oo su’aalo lagu weydiinayay, iyadoo loo balansan yahay in bisha soo socota ee Sebteembar wajiga saddexaad ee wadahadalka Soomaaliya iyo Itoobiya uu ka dhaco dalka Turkiga.