8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 23, 2024
UNICEF oo Puntland ku cambaareysay dil ay ku fulisay afar caruur ah oo lala xiriiriyay Al-Shabaab
 

Jimco, Agoosto, 23, 2024 (HOL) - UNICEF ayaa si kulul u cambaareysay dilka afar dhalinyaro ah oo toddobaadkii hore ay ku fulisay maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, iyagoo ku adkeysanaya in dhalinyaradan ay ahaayeen caruur xilligii lagu eedeeyay dambiyada loo haystay.

Dhalinyaradan ayaa ka mid ahaa toban xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo, iyagoo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilalka dad rayid ah iyo saraakiil, taasoo noqoneysa mid ka mid ah dilalka ugu badan ee dad badan hal mar lagu fuliyo taariikhda dhowaan ee Puntland.

UNICEF waxay sheegtay in dhalinyaradan, oo lagu soo waramayo inay xiriir la lahaayeen kooxda hubeysan ee Al-Shabaab, aan lagu xukumin lahayn maxkamado ciidan, kuwaas oo aan lahayn habraac sax ah oo ku habboon marka ay timaado kiisaska la xiriira carruurta. Sida ay xaqiijiyeen Guddiga Hubinta Da'da Puntland, oo ay ku jiraan xubno ka socda dawladd goboleedka Puntland, shaqsiyaadkani waxay ka hooseeyeen 18 sano xilligii lagu eedeeyay dambiyada.

"Fulinta dilalkan waxay muujinayaan jebinta xeerka Carruurta ee Puntland iyo waajibaadka Soomaaliya ee ku xusan Heshiiska Xuquuqda Carruurta," ayay tiri UNICEF bayaan ay soo saartay. "Carruurta xiriir la leh kooxaha hubeysan waa in loo arkaa dhibanayaal u baahan ilaalin iyo dib-u-habeyn."

Dilka ayaa yimid xilli maamulka Puntland ay xooga saareen ka hortagga joogitaanka Al-Shabaab, kadib markii saddex maxbuus oo ka tirsan Al-Shabaab oo lagu xukumay dil ay ka baxsadeen xabsiga dhexe ee Gaalkacyo. Inkasta oo mid ka mid ah baxsadayaashii dib loo qabtay, haddana labadii kale waa weli la baadi-goobayaa.

Hay'adaha caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha ayaa muddo dheer cambaareynayay maamulka Puntland iyo Soomaaliya qaabka ay ula dhaqmaan dhalinyarada ku lugta leh falalka hubeysan, iyagoo ku baaqaya in la qaato nidaam caddaalad dib-u-habeyn ah halkii laga qaadi lahaa ciqaabta dilka.

UNICEF waxay mar kale ku celisay baaqeeda ku wajahan mas'uuliyiinta Soomaaliyeed inay waafajiyaan dhaqamadooda heerarka caalamiga ah ee xuquuqda carruurta, isla markaana ay hirgeliyaan barnaamijyo wax ku ool ah oo dib loogu soo celinayo bulshada carruurta ku lug leh kooxaha hubeysan.

Warbixin ay Amnesty International soo saartay bishii May ayaa sheegtay in Soomaaliya sanadkii hore la fuliyay 38 dil, halka sanadkii 2022 ay ahaayeen lix kaliya.