8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 23, 2024
Shirkadaha Ethiopian Airlines iyo Flydubai oo qaatay amarkii kasoo baxay dowladda Soomaaliya
 

Jimco, Agoosto, 23, 2024 (HOL) - Shirkadaha duulimaadyada Ethiopian Airlines iyo Flydubai ayaa u hoggaansamay amar Shalay kasoo baxay Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, kaasoo ahaa in shirkadahaan duulimaadyadooda Hargeysa ay u adeegsadaan Hargeysa Soomaaliya, halka markii hore ay u adeegsan jireen Hargeysa Somaliland.

App-ka shirkadahaan ee habka Online-ka looga jarto Ticket-yada ayaa lagu soo daray in Hargeysa ay la mid tahay sida duulimaadyada magaalooyinka kale Soomaaliya, waxaana kasoo muuqanaya Hargeysa Soomaaliya, halka markii hore ay soo muuqan jirtay Hargeysa Somaliland.

Talaabada ay qaadeen shirkadahaan ayaa muujineysa iney qaateen amarkii kasoo baxay Hay'adda duulista Rayidka Soomaaliyeed oo ah Hay'adda maamusha guud ahaan hawada dalka Soomaaliya.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Somaliland oo ku aadan amarka ay qaateen shirkadaha Ethiopian Airlines iyo Flydubai, kaasoo meesha ka saaray magacii Hargeysa Somaliland oo markii hore u dhigmaayay sida dal ka madax banaan Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dadka reer Somaliland ayaa ka carooday amar qaadashada shirkadahaan, kuwaas oo ku andacoonaya in shirkadahaani ay ku xadgubayaan qaranimada iyo madax banaanida Somaliland, maadaama ay u hoggaansameen amaro kasoo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya.