8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 23, 2024
SSC Khaatumo oo digniin culus kasoo saartay Safarka Madaxweynaha Somaliland ee gobolka Sanaag

Jimco, Agoosto, 23, 2024 (HOL) - Hogaanka sare ee maamulka SSC Khaatumo ayaa si adag u cambaareeyay safar maalmahii lasoo dhaafay uu madaxweynaha Somaliland ku marayay qeybo ka mid ah gobolka Sanaag.

Warsaxafadeed kasoo baxay maamulka Khaatumo ayaa lagu sheegay in safarka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu yahay mid daandaasi iyo colaad cusub uu kaga hurinayo deegaanada SSC Khaatumo.

Warka kasoo baxay Khaatumo ayaa sidoo kale lagu sheegay in Khaatumo ay dooneyso xasiloonida gobolka, hayeshee mar walba ay u diyaarsan tahay difaaca deegaanadeeda iyo iska dhicinta cid walba oo ku soo xadgubta.

Maamulka SSC Khaatumo ayaa warsaxafeedka ku sheegay in dowladda Fedaraalka iyo Beesha Caalamka ay la socodsiinayaan daandaansiga iyo colaad hurinta madaxweynaha Somaliland, islamarkaana haduu dagaal cusub dhaco ay keeni doonto cawaaqib xumo aan la dhayelsan karin.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-