8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 23, 2024
Khilaaf ka dhashay xil ka qaadis lagu sameeyay Agaasimaha Hay’adda Istaastitikadda Qaranka

 

Jimco, Agoosto, 23, 2024 (HOL) - Waxaa banaanka u soo baxay khilaaf hareeyay Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya oo u dhaxeeya sadaxda masuul ee Wasaaraddaas oo kala ah Wasiirka, wasiir ku xigeenka iyo Wasiiru dowlaha, kuwaas oo isku khilaafsan maamulista wasaaradda Qorsheynta.

Khilaafka iyo is qabqabsiga u dhaxeeya masuuliyiinta oo la tilmaamay inuu mudo si hoose u soo jiitamaayay ayaa si rasmi ah u soo shaac baxay gilinkii dambe ee Shalay kadib markii wasiirka qorsheynta uu xilkii ka qaaday Agaasimaha Hay’adda Istaastitikadda Qaranka Sharmaake Maxamed Faarax.

Xilka qaadista Agaasimaha Hay’adda Istaastitikadda Qaranka Sharmaake Maxamed Faarax ayaa ku timid soo jeedin ka timid Guddiga Sare ee Golaha maamulka Istaatikada Qaranka, kuwaas oo dhankooda isku raacay xil ka qaadista.

Talaabada xilka qaadista Agaasime Sharmaake Maxamed Faarax ayaa waxaa si cad uga horyimid oo sharci daro ku tilmaamay Wasiir ku xigeenka Wasaarada oo sheegay in Wasiirka uusan kaligiis awood u laheyn inuu sameeyo xil ka qaadis, islamarkaana ay sharci tahay inuu marka hore arrintaas kala tashado masuuliyiinta kale ee Wasaaradda.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Maxamed Cabduqaadir Cali ayaa sidoo kale faray Agaasimaha Hay’adda Istaastitikadda Qaranka Sharmaake Maxamed Faarax inuu wato shaqdiisa.

Khilaafkaan ka dhex taagan Wasaarada Qorsheynta ayaa haatan gaaray xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo la filayo inuu xaliyo khilafka hareeyay madaxda Wasaaradda Qorsheynta.