8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 22, 2024
Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland iyo xisbiyada oo heshiis gaadhay
 

Khamiis, Agoosto, 22, 2024 (HOL) - Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland, xisbiyada iyo ururada oo heshiis kaa gaadhay Hirgalinta Nidaamka Hubinta Codbixiyeyaasha Booyoomitrigga IRIS BVVS.

Kulan ay Komishanka Doorashooyinka iyo dhammaan daneeyayaasha doorashooyinka yeesheen, ayaa lagaga heshiiyay nidaamka hubinta codbixiyaha, oo guddidu ay soo jeedisay in la isticmaalo qalab lagu hubinayo bu'ada isha ee codbixiyaha.

"Ugu danbayn, Komishanka Doorashooyinka Qaranka  iyo dhammaan Madaxda Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda JSL waxay ku heshiiyeen in Nidaamka Hubinta Codbixiyeyaasha ee IRIS-BVVS laga hirgaliyo lixda lagaalo-madax ee Gobalada dalka JSL doorashooyinka Madaxtooyada iyo " ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay koomiishanka.

Xisbiyada mucaaradka oo ka warwar qabay in hirgalinta qalabkani ay wakhti qaadan karto, isla markaana ay doorashada dib u dhigi karto, ayaa markii hore kasoo horjeedsaday isticmaalkiisa.

Koomiishanka ayaa dhawaanahanba waday tijaabo ay ku samaynayaan qalabkan, oo ka hortagaya in qofku uu laba jeer codeeyo.