8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 22, 2024
Koonfur Galbeed oo qaadday howlgal ka dhan ah isbaarooyin sharci darro ah oo yaalay Shabeellada Hoose
 

Khamiis, Agoosto, 22, 2024 (HOL) - Wasaaradda amniga maamulka Koonfur Galbeed ayaa bilowday howlgal lagu burburinayo isbaarooyinka sharci darro ah oo yaalay inta u dhaxeysa Balidoogle iyo Yaaq Bari Wayne oo katirsan gobolka Shabeeladda Hoose ee maamulkaas.

Wasiirka amniga Koonfur Galbeed Xasan C/qaadir Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in maamulku uu si rasmi ah u mamnuucay isbaarooyinkan, isagoo carrabka ku dhuftay in aan cidna laga ogolaan doonin.

Wasiirka ayaa daboolka ka qaaday in ay isku dayeen in ay la xaajoodaan maleeshiyadii isbaarada dhigtay, Balse waxa uu sheegay in ay ka dhego adayageen, kadibna uu dhacay iska horimaad dhexmaray maleeshiyada iyo ciidamada Koonfur Galbeed, kaasoo sababay dhaawaca askari ciidankooda ah.

Wasiirka amniga waxa uu xaqiijiyay in ammaanka degaanadaas uu iminka si buuxda gacantooda ugu jiro, wixii hadda ka dambeeyana aan la ogolaan doonin isbaarooyin sharci darro ah.

Waxa uu ka digay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid kasta oo isku dayda in ay soo celiso isbaarooyinkaasi