8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 22, 2024
Australia oo cunaqabatayn ku soo rogtay ku dhawaad 20 xubnood oo katirsan Alshabaab
 

Khamiis, Agoosto, 22, 2024 (HOL) - Australia ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay  ku dhawaad 20 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Dowladda Australia, waxaana cunabaqataynta lagusoo rogay madaxda sare ururka.

Inta badan shaqsiyaadka liiska ku jira ayaa lagu eedeeyay inay ka qaybqaateen maalgelinta, qorsheynta, fududaynta, diyaarinta, ama fulinta falalka ama hawlaha lagu taageerayo Al-Shabaab.

Cunaqabatayntan oo ku saabsan mamnuucidda dhanka safarka ah, xayiraadda hantida iyo cunaqabataynta hubka, ayaa qayb ka ah dedaallo ballaaran oo ka dhashay qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ujeeddadiisu tahay in lagu xakameeyo dhaqdhaqaaqa kooxda.

Qaraarkan ayaa sidoo kale lagu mamnuucay in dhuxusha Soomaaliya laga keeno, taasoo ah isha dhaqaalaha ugu muhiimsan ee kooxda Al-Shabaab.

Horaantii bishii Agoosto, Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay weerar khasaare badan geystay oo ka dhacay maqaayad ku taal xeebta magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku dhinteen dad badan oo rayid ah, boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen.