8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 22, 2024
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose
 

Khamiis, Agoosto, 22, 2024 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Yaaqabari weyne ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in saakay halkaas uu dagaal culus ku dhexmaray ciidanka Maamulka Koofur Galbeed iyo maleeshiyaad hubeysan oo kasoo jeeda deegaankaas.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed weerar xoogan ku qaadeen goobo ay ku sugnayeen maleeshiyaadka hubeysan oo la sheegay in jidgooyo u taalay.

Wararka hordhaca ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada, hayeshee wali lama xaqiijin karo inta uu dhan yahay khasaaraha rasmiga ah.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed oo la hadashay warbaahinta gudaha ayaa sheegeen in maleeshiyaadka ay dhigteen isbaarooyin lacago baad ah looga qaado gaadiidka isticmaala wadada isku xirta degmooyinka Wanlaweyn iyo Buurhakaba ee maamulka Koonfur Galbeed, taasina ay keentay in ciidanka ay qaadaan howlgal militari oo lagu sifeynayo waddooyinka.

Dagaalka saakay ka dhacay Yaaqbari weyne ayaa kusoo aadaya, iyadoo deegaankaas iyo tuulooyin kale oo hoostaga ay dhawaan ku dagaalameen maleeshiyo beeleedyo kasoo kala jeeda Beelaha Gaaljecel iyo Shanta Ceelmood, kuwaas oo halkaas isaga dilay dad aad u badan.