8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 22, 2024
Golaha Wasiirada Soomaaliya oo mamnuucay cid aan ahayn wasaaradda maaliyadda inay ururiso dakhliga dowladda
 

Khamiis, Agoosto, 22, 2024 (HOL) - Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa go’aan kusoo saaray in dhammaan dakhliga dowladda si gaar ah loogu shubo khasnadda laga maamulo hantida dowladdae ee Single Account (TSA), taasoo xoojinaysa hufnaanta nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya.

Qaraarka ayaa mamnuucaya in lagu shubo ama lagu maamulo dakhliga dawladda akoon bangi oo kasta oo aan ahayn Khasnadda TSA. Iyadoo la tixraacayo Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud ee 2019, Golaha Wasiirradu waxay hoosta ka xariiqeen in dhammaan dakhliga federaalka, oo ay ku jiraan canshuuraha, khidmadaha, iyo ganaaxyada, ay tahay in lagu maareeyo qaabka TSA.

Wasaaradda Maaliyadda waxaa lagu sheegay inay tahay hay’adda kaliya ee mas’uul ka ah ururinta, maareynta, iyo la socodka dhammaan dakhliga federaalka.

Hay’adaha kale ee dawladda, kuwa rayidka ah iyo kuwa milatariga ah, waxa si cad looga mamnuucay inay ururiyaan ama maamulaan dakhliga dawladda.

Golaha Wasiirrada ayaa awood gaar ah u siiyay Wasiirka Maaliyadda inuu dejiyo waxna ka beddelo tacriifadaha la xiriira dakhliga dowladda, iyadoo lagu nuux-nuuxsaday in aan awooddaas loo igman karin hay’ado kale. Wasaaradda ayaa sidoo kale la faray in ay dib u eegis ku sameyso tacriifadaha hadda jira si loo hubiyo in ay waafaqsan yihiin xaaladaha dhaqaale ee Soomaaliya.

Golaha Wasiirradu waxay kaloo sheegeen dhammaan heshiisyada jira ee khuseeya dhaqaalaha in ay la jaanqaadaan sharciga iibka qaranka ee 2016 iyo xeerka maamulka maaliyadda guud ee 2019. Wasaaradda Maaliyadda ayaa la faray in ay dib u eegis ku sameyso heshiisyada caalamiga ah iyo in ay hubiso in waqtigeeda la bixiyo si looga fogaado ciqaab sharci ah.

Qaraarka waxaa sidoo kale ku jira dhowr amaro gaar ah oo looga dan leeyahay in lagu wanaajiyo hufnaanta iyo dhimista kharashaadka Gelidda Dekedda Muqdisho. Kuwaas waxaa ka mid ah dhimista 50% Iskaanka lagu hubiyo badeecadaha kasoo dega dekeeda Muqdisho.