8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 22, 2024
Wasiir Fiqi "Waxaan aragna in ciidamada Itoobiya doonayaan iney qasab kusii joogaan Soomaaliya"
 

Khamiis, Agoosto, 22, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa si adag ugu eedeeyay raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed isku dayo uu geeska Afrika ka hurinayo colaad uu kaga leexinayo caqabadaha ka jira gudaha dalka Itoobiya.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Soomaaliya mowqif adag ay ka taagan tahay khatar kasta oo ku wajahan midnimadeeda iyo madax banaanideeda, isagoona xusay in damaca Itoobiya uu horseedi karo rabshado iyo xasilooni darro baahsan oo ka dhacda gobolka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in wadahadalada Turkiga gar wadeenka ka yahay ee Ankara ka dhacay in Itoobiya ku adkeysatay damaceeda ay ku dooneyso biyaha iyo dhulka Soomaaliya, taasina aysan Soomaaliya marnaba u cuntameyn.

"Wadahadallada dhexdhexaadinta ah ee Turkiga ka dhex wado Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaan u aqbalnay xiriirka xooggan oo aan la leenahay Turkiga iyo Aduunka arko in Soomaaliya ay diidaneyd wada kasta oo sax ah" ayuu yiri wasiir Fiqi.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa hadalkiisa sii raaciyay "Waxaan rabaa in aan caddeeyo in Soomaaliya ay ganacsi ahaan u furan tahay oo kaliya heshiisyada faa'iidada leh ee lala galo Itoobiya. Ma ogolaan doono in badda lagu galo qaab ciidan iyo mid madax banaan, sidoo kale ma ogolaan doono joogitaan ciidan oo waqti dheer iyo mid gaaban ah.

Isagoo ka jawaabayay wasiir Fiqi warar sheegaya iney jiraan ciidamo Itoobiyaan ah oo dhiig u huray difaaca Soomaaliya ayuu sheegay in ciidamada Itoobiya ay sidoo kale gacan ka geysteen dilka in ka badan 20 kun oo Soomaali ah sanadihii 2007-2008, sidoo kalena ay burburiyeen hanti dadweyne iyo barakaca 800 kun oo qof oo Soomaali ah.

“Waa jiraan Ciidamo Itoobiya iyo guud ahaan howlgalka ATMIS uga dhintay dagaalka lagula jiro Khawaarijta balse taas micnaheedu ma ahan aan baddaada iyo dhulkaaga qaato, intaas waxaa ka badan inta nooga dhintay si dalka looga xoreeyo gumeysiga, waxaan arkaynaa in masuuliyiin Itoobiyaan ah ay isku dayayaan in ay ciidamadooda qasab ku sii joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo u dhaqmaya sidii ciidan aan ka tirsaneyn howlgalka ATMIS, taasina sax maaha, go’aanka dalalka kamid noqonaya howlgalka cusub ee Soomaaliya wuxuu u yaalla dowladda Federaalka” ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Wasiirka ayaa bogaadiyay mowqifka dowladda Turkiga ay ku dooneyso in xal looga gaaro xiisadan, isagoo rajeeyay in wareegga soo socda uu ka soo baxi doono xal ku saleysan ixtiraamka shuruucda caalamiga ah.

Ugu dambeyntii bilawgii sanadkan ayay aheyd markii Itoobiya heshiis la saxiixatay Somaliland, taasoo ay ku doonayso inay hesho badda cas iyo saldhig ciidan, taasi badalkeena Somaliland ay u aqoonsaneyso dowlad madax banaan.