8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 20, 2024
Madaxweyne Muuse Biixi: Waxaanu go'aansanay in aanu difaaca iyo doorashada midayno
 

Talaado, Agoosto, 20, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in xukuumadiisu ay go'aansatay in Somaliland-na la difaaco, doorashadana la qabto xili isku mid ah.

Madaxweyne Biixi oo ka hadlayay deegaanka Gar-adag oo uu safar ku marayay, ayaa sheegay in ay dood ka yeesheen difaaca iyo doorashada mid ka la horaysiinayo.

"Rag damac kama dhamaadee waxa lagu murmay waar ma difaaca ayaynu horaysiinaa mise doorashada, markii dhexdeena cabaar aanu doodnay waxa aanu nidhi labadaba aynu wada qaadano, si aynu difaaca ugu midowno oo aynaan u kala qaybsamin" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Waxa uu sheegay in la rabo in doorashadu anay noqon mid cadawga ka farxinaysa, isaga oo sheegay in mararka qaar loo arki karo in qaranimada Somaliland ay liicayso hadii la doorto cid aan difaacayn oo aan midaynayn reer Somaliland.

Madaxweynaha ayaa sidookale ka hadlay dowlado uu sheegay in ay doonayaan in ay soo faragaliyaan Somaliland, waxa uuna sheegay in Somaliland ayna marnaba ogolaandoonin waxkasta oo wiiqaya madaxbannaanideeda.

Dhanka kale, SSC Khaatumo ayaa shalay dhankeeda ka digtay in ciidamada Somaliland ay wax dagaal ah kusoo qaadaan gobolka Sool.