8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 20, 2024
Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay duuleedka magaalada Dhuusamareeb
 

Talaado, Agoosto, 20, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay deegaanka Bidhaan dheere oo hoostaga degmada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu dhashay murun la xariira dhismaha dhul halkaasi ku yaala, waxaana la xaqiijiyay in laba ka mid ah dhinacyada murunka dhuleed uu u dhaxeeyay inay ku dhinteen, islamarkaana laba kalana ay ku dhaawacmeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka Galmudug oo gaaray halka ay wax ka dhaceen ayaa haatan ku howlan sidii ay u baajin lahayeen in dhibaato intaas ka badan ka dhacdo deegaanka Bidhaan dheere ee gobolka Galgaduud.

Mashaqadaan ka dhalatay murunka dhuleed ee sababay khasaaraha kala duwan ayaa cabsi xoogan ku beertay dadka ku nool deegaankaas, waxayna ku baaqeen in deg deg xal waara loogu helo murunka oo wali taagan.

Deegaanada maamulka Galmudug waxaa inta badan ka dhaca dagaal beeleedyo khasaare badan geysta oo dhexmara dadka ku wada nool deegaanada maamulkaas, waxaana dagaalada intooda badan ay ka bilaawdaan murunada la xariira lahaanshaha dhuleed.