8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 20, 2024
Xisbiga haya talada Itoobiya oo jawaab ka bixiyay hadal uu sii daayay madaxweynaha Soomaaliya
 

Talaado, Agoosto, 20, 2024 (HOL) - Madaxweyne Ku xigeenka Xisbiga Barwaaqo ee haya talada dalka Itoobiya Aadan Faarax Ibraahim oo qoraal dheer soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ka falceliyay hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo Madaxweynuhu ku sheegay in Itoobiya ay lid ku tahay qaranimada Soomaaliya.

Aadan Faarax ayaa sheegay in Dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya ay wadaagaan xuduud dheer oo ilaa 1700km ah, isla markaana ay shacabka labada dal ee xiga dhanka xuduudda ay yihiin dad walaalo ah oo wadaaga dhaqan, diin iyo isir.

Aadan Faarax waxa kale oo uu sheegay in burburkii Soomaaliya ka dib Itoobiya ay qaabishay Qaxooti badan oo ka soo qaxay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, waxa kale oo Aadan Faarax sheegay in Itoobiya ay dadaal badan ku bixisay sidii Soomaaliya ay uga curan lahayd Dowlad Soomaaliyeed oo dib usoo celisa Amnigii iyo kala dambayntii ka jirtay Soomaaliya.

"Waxaa maalmahan fajac iyo yaab nagu noqday hadallada ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaliya, hadalladaas oo aan ka turjumayn waaqica dhabta ah ee maanta jira iyo tagtadii shalay ee halganka Shacabka Deegaanka Soomaalida midnaba, hadalladaasi waxay gaf iyo meel ka dhac ku yihiin shacabka Degaanka Soomaalida" ayuu yiri Aadan Faarax.

Aadan Faarax isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in hadallada kasoo yeedhaya Dowladda Soomaaliya ay sharaf dhac iyo fool xumo ku yihiin shacabka Soomaaliya, waxa uuna sheegay in arrintaasi ay dhaawac ku tahay wada noolaanshaha iyo deris wanaagga dadka wada dega geeska Afrika, waa siduu hadalka u dhigay Aadan Faarax.

Ugu dambayn, Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Barwaaqo Aadan Faarax ayaa baaq u diray Madaxda dalka Soomaaliya isagoo sheegay in Madaxda Soomaaliya looga baahan yahay inay xoogga saaraan sidii ay uga shaqayn lahaayeen danta Shacabka Soomaaliya, Adkaynta Walaaltinimada labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.