8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 20, 2024
Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda oo guddoomiyay shir looga hadlaayay xasilinta deegaanada Hirshabeelle
 

Talaado, Agoosto, 20, 2024 (HOL) - Raysal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta guddoomiyay shir ku saabsana xasillinta deegaanada Hirshabelle, kaasoo uu goobjoog ka ahaa madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Shirkaan oo dhexmaray Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka iyo kuwa Hirshabeelle ayaa looga arinsaday sidii adeegyada aas aasiga ah loo gaarsiin lahaa deegaanada maamulkaas ee laga xureeyay Al-shabaab iyo sidii loo qiimayn lahaa mashaariicda ka socota deegaanadaas.

Raysal Wasaare ku xgeenka Soomaaliya oo ugu horeyn shirka ka hadlayay ayaa xusay in Xukuumadda ay ahmiyad wayn siinayso sidii deegaanada laga xureeyay Al-shabaab loo gaarsiin lahaa adeegyada aasaasiga ah, sida Waxbarashada, Caafimaadka, Biyo nadiif ah iyo dhismaha maamulka degmooyinka iyo laamaha amniga.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa dhankiisa kulanka ku sharaxay safar uu dhawaan kusoo maray qaar ka mid deegaano iyo degmooyin ka tirsan Hirshabeelle oo uu sheegay inuu la xariiray u kuur galida deegaanadii laga saaray kooxda Al-shabaab.

"Waxaan ku safray ku dhawaad 1,000 KM oo nabad ah. Maskaxda dadka waa ka dhaqantay fikirkii Khawaarijta waxana soo ogaaday baahida iyo caqabadaha shacabka" ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Shirkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo sanad ka hor inta badan deegaanada maamulka Hirshabeelle laga xureeyay kooxda Al-shabaab.