8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 20, 2024
Xildhibaanada kasoo jeeda Puntland oo ku eedeeyay dowladda Federaalka inay cunaqabayn ah ku hayso dadka reer Puntland
 

Talaado, Agoosto, 20, 2024 (HOL) - Qaar kamid ah Xubnaha labada aqal ee baarlamaanka ee kasoo jeeda Puntland, ayaa walaac xooggan ka muujiyay in dowladda Federaalka ay is-hortaag ku hayso mashaariicda horumarineed ee iyo deeqaha caalamiga ah ee loogu talagalay Puntland.

Warsaxaafadeed ay si adag u soo saareen Xildhibaanada Puntland ayaa waxay ku eedeeyeen Dowladda Federaalka inay ku dhaqmayso siyaasad ciqaab wadareed, taasi oo ka hor istaageysa adeegyada muhiimka ah iyo fursadaha horumarineed ee loo siman yahay.

Wakiilada ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo fasaxo dhamaan mashaariicda horumarineed iyo deeqaha caalamiga ah oo ay ku jiraan kuwa la xiriira kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, biyaha, korontada, iyo kalluumeysiga. Waxayna carrabka ku adkeeyeen in mashaariicdani ay yihiin kuwo muhiim u ah samaha iyo wanaaga shacabka Puntland isla markaana aan loo isticmaalin danaha siyaasadda la isku hayo.

Wakiillada Puntland waxay ka codsadeen saaxiibada caalamka in la taageero in gargaarka la gaarsiiyo dadka u baahan iyadoon siyaasad lagu faragelin.