8/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 20, 2024
Darawalada Mooto Bajaajyada Muqdisho oo soo dhaweeyay go'aankii kasoo baxay dowladda
 

Talaado, Agoosto, 20, 2024 (HOL) - Qaar ka mid ah Darawalada Mooto Bajaajyada ee ka dhex shaqeysta magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay go'aankii kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Fedaraalka ee ku aadana dhimista qiimaha lagu qaato leysinka iyo ganaaxa.

Wadayaasha Mooto Bajaajyada oo qaarkood warbaahinta la hadlay ayaa sheegeen in Wasaaradda Gaadiidka ay uga mahadcelinayan sida ay uga jawaabtay cabashadooda la xariirtay qiimaha lagu qaato leysinka oo ay ka mudaaharadeen laba maalmood oo isku xigtay.

“Wasaaradda Gaadiidka aad iyo aad ayey u mahadsan tahay, maadaama codsigii mootaaleyda kasoo jawaabtay lagana dhigay lacagta leysinka 106.5 Dollar, halka markii hore ay aheyd lacagta leysinka 300 Dollar, sido kale Ganaaxii ahaa 50 Dollar waxa laga dhigay 5 Dollar waa uga mahadcelineynaa wasaaradda gaadiidka” ayuu yiri mid ka mid ah Darwalada Mooto Bajaajyada Muqdisho.

Dhalinyarada ayaa sidoo kale sheegeen iney ku qanacsan yihiin in ay ka dhex shaqeystaan gudaha dalkooda, hayeeshee hadii dowladdu ku cadaadiso shaqooyinka ay hayaan ay keeni karto in dalka ay isaga tahriibaan dhalinyaro badan oo hadda shaqooyinka ay ku dhex haystaan dalka ku faraxsan.

Ugu dambeyntii Mooto Bajaajta ayaa ah shaqada ugu balaaran oo ay si gaar ah ugu shaqeystaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool guud ahaan dalka, maadama dalka ay ka jirto xaalad shaqo la'aan ah, waxaana hadana dhalinta ku shaqeysata ay mararka qaar la kulmaan culeyso iyo cadaadis uga yimaada dhanka dowladda, taasoo ay waliba u sii dheer tahay mararka qaar dilal si bareer ah ay ugu geystaan askar ka tirsan ciidan dowladda.