9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 17, 2024
Madaxweyne Xasan Sheikh: Dowladdu waxay keentay nidaam casri ah oo lagu kalsoonaan karo, laakiin canshuur cusub oo lasoo rogay ma jirto
 

Sabti, Agoosto, 17, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo caawa khudbad jeediyay ayaa ka hadlay cabashooyinka laga muujiyay canshuuraha ay ganacsatada iyo bajaajlayda sheegeen inay dowladdu soo kordhisay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda aysan soo rogin canshuur cusub, balse ay casriyeysay nidaamka canshuuraha ee horey u jiray, isagoo sheegay in nidaamka cusub uu meesha ka saaray gacmo aan lagu kalsoonaan karin oo horey u qaadi jiray canshuuraha.

Madaxweynaha oo si gaar ah ula hadlay dhallinyarada bajaajlayda ah, ayaa sheegay in dowladda ay ka war hayso cabashooyinka ay qabaan, isla markaana ay ku dadaalayso sidii dhallinyarada loogu qancin lahaa in aysan dowladdu dooneyn inay culays kusoo rogto.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu adkeeyay in qaadista canshuurta iyo qaadashada laysinka derawalnimada aysan ahayn arrimo gorgortan geli kara, hase ahaatee, dowladda ay qorsheyneyso inay u fududeyso dhallinyarada ka shaqeysata gaadiidka bajaajta.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in canshuurta iibka laga jarayo lacagaha ay dadweynuhu isku diraan. Wuxuu caddeeyay in canshuurtan ay kaliya ku shaqeynayso wax kala iibsashada, halka lacagaha kale aysan ku waajibin wax canshuur ah.

“Dowladdu waxay keentay nidaam casri ah oo lagu kalsoonaan karo, laakiin canshuur cusub oo maanta lasoo rogay ma jirto,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Geesta kale, Madaxweynaha ayaa beeniyay inuu daciifay dagaalka Al-Shabaab, isagoo sheegay in uu haatan ka xooggan yahay sidii hore, isaga oo tilmaamay in dagaalku uu hadda ka socdo Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.