9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 17, 2024
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay duuleedka magaalada Muqdisho
 

Sabti, Agoosto, 17, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Xalay ku dhexmaray deegaanka Ceelasha Biyaha ee duuleedka magaalada Muqdisho ciidanka dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig deegaankaas ay ku leeyihiin ciidamada Booliis Militare, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inuu ahaa dagaalka mid xoogan oo hubka noocyadiisa kala duwan isku adeegsanayeen labada dhinac.

Wararka waxay sidoo kale sheegayaan in dagaalka uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac, hayeeshee aanan la xaqiijin karin inta u dhan yahay.

Sarkaal ka tirsan amniga deegaanka Ceelsha Biyaha ayaa warbaahinta gudaha u sheegay iney iska caabiyeen weerarka uga yimid kooxda Al-shabaab, islamarkaana ay dib u celiyeen xubnahii weerarka soo qaaday.

Xaalada ayaa saakay degan waxaana ciidanka dowladda ay howlgalo ka wadaan xaafado ka tirsan deegaanka Ceesha Biyaha ee duuleedka magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyntii Ururka Al-shabaab ayaa inta badan weeraro isugu jira qaraxyo iyo ku dhufo oo ka dhaqaaq ku qaada Saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ku yaala magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka.