Sabti, Agoosto, 17, 2024 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa howlgalo qorsheysan oo dhan ahaa kooxda Al-shabaab ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool.
newsinsideHowlgalada ayaa ciidamadu waxay si gaar ah uga fuliyeen wadada isku xirta magaalooyinka Xudur iyo Qurac joome ee gobolkaas oo kooxda Al-shabaab inteeda badan ku sugnayeen.
Abaanduulaha guutada 9-aad qeybta 60-aad ee xoogga dalka dhamme Cilmi Aadan Isaaq ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in ciidamada dowladda ay cagta mariyeen goobo badan oo ay joogeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab.
Wadadaan xiriirisa Xudur iyo Qurac joome ayaa ah wado muhiim ah oo mudo dheer u xirneyd kooxda, waxaan Abaanduulaha guutada 9-aad qeybta 60-aad uu sheegay in ciidamadu ay nadiifiyeen jidgooyooyin badan oo halkaas u yaalay
Howlgalkaan ciidamada dowladda ka fuliyeen Degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa kusoo aadaya, iyadoo deegaano iyo degmooyin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ay ka socdaan howlgalada lagula dagaalamayo Al-shabaabka ku sugan deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.