9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 17, 2024
Jubbaland oo ka hortimid go'aanka dowladda Fedaraalka ku qaadeyso Canshuuraha Iibka

Sabti, Agoosto, 17, 2024 (HOL) - Wasaaradda Maaliyadda maamul goboleedka Jubbaland ayaa si cad uga hortimid go'aanka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda fedaraalka Soomaaliya ee ku dooneyso qaadista Canshuurta iibka ganacsiyada oo ah 5%.

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland ayaa lagu sheegay in Jubbaland aysan qeyb ka aheyn talaabada dowladda Soomaaliya ay ku qaadeyso Cabshuuraha, islamarkaana aanan wax tashi ah lagala sameyn Jubbaland.

Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland ayaa ku wargalisay ganacsatada reer Jubbaland in uusan quseyn go’aanka kasoo baxay Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, islamarkaana ay si caadi ah u wataan howlahooda ganacsiga.

Waxay sidoo kale sheegtay Jubbaland iney leedahay xeer iyo nidaam u gaar ah canshuuraha, kaasoo la ansixiyay 2023-kii, islamarkaana ku dhaqmeyso nidaamkaas oo kaliya.

Warsaxafadeedkaan kasoo baxay Jubbaland ayaa kusoo aadaya, iyadoo dowladda Fedaraalka ay shaacisay Khamiistii lasoo dhaafay in maalinta Axadda ah ee taariikhdu ku beegan tahay 18/08/2024 ay bilaabaneyso inay dowladda si toos ah u jarato canshuurta iibka ee Ganasiyada Nambarada saaran Marjantiska.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland.