9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 17, 2024
Madaxweyne Biixi: Turkigu Somaliland wuu ka waayay wax aan qaranimadeeda ahayn
 

Sabti, Agoosto, 17, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Turkigu uu dadaalo ku bixiyay midaynta Somaliland iyo Soomaaliya, sidookale waxa uu ka digay in ciidamada Masar la keeno Soomaaliya.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in Turkigu uu hada garabsiinayo Soomaaliya, kadib markii ay guuldaraysteen dadaalo uu ku doonayay in heshiis lagu dhexdhigo Somaliland iyo Soomaaliya.

"Turkigu muxuu ugu dagaalamayaa garab istaaga Soomaaliya, danaha dalkiisa ayuu ka dhex arkaya, Somaliland intii uu xodxodanayay waxa uu ka waayay in wax aan qaranimada Somaliland ahayn laga wada hadlo, isaguna wuxuu doonayay in uu inagu celiyo Xamar" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Waxa uu sheegay in uu la yaabanyahay in Qaramada Midoobay taageertay in ciidamo cusub Soomaaliya la geeyo, isaga oo sheegay in dowladaha deeqda bixiyaa ay ka daaleen nabad ilaalinta Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ka hadlayay ciidamada Masaarida ee la rajaynayo in la keeno Soomaaliya, ayaa sheegay in dhib waxaan ahayn ayna soo kordhindoonin, isaga oo sheegay in dalka Yemen uu eeday ciidamo masaari ah oo loo diray lixdameeyadii.

Waxa uu sheegay in guulaha Somaliland ay gaadhay ay sababeen in maanta caalamku ku kala qaybsamo, oo uu caalamkii noqday qayb taageersan iyo qayb kasoo horjeeda dano siyaasadeed oo isdiidan awgood.