9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 17, 2024
Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka oo gudbiyay codsi ku aaddan in baarlamaanku ka doodo cabashooyinka canshuuraha
 

Sabti, Agoosto, 17, 2024 (HOL) - Xildhibaano katirsan Baarlamaanka ayaa ugu baaqay guddoomiyaha baarlamaanka in ajandaha baarlamaanka lagu soo daro cabashooyinka canshuuraha ay soo rogtay wasaaradda Maaliyadda, kuwaas oo sababay  mowjado mudaharaadyo ah oo ay sameeyeen Bajaajlayaasha magaalada Muqdisho.

Soo jeedinta rasmiga ah ee loo jeedinayo Guddoomiyaha Baarlamaanka, ayaa waxay Xildhibaanadu u cuskadeen qodobka 25-aad, farqadiisa 3-aad, Xarafka ā€œdā€ ee xeer hoosaadka Golaha Shacabka, kaasoo awood u siinaya inay codsadaan in wax lagu daro ajandaha Baarlamaanka.

Soo jeedinta xildhibaanada waxay hoosta ka xariiqaysaa baahida loo qabo in wax iska ka weydiiyo canshuuraha laga cawday, xalna loo helo cabashooyinka ganacsatada kasoo yeeraysa.

Xildhibaanadan ayaa ku booriyay Guddoonka Baarlamaanka inuu arrintaan muhiimad gaar ah siiyo, iyagoo cararbka ku dhuftay in loo baahan yahay in si deg deg ah xal laga gaaro cabashada dadweynaha.