7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 24, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka Jabuuti kula kulmaya Xoghayaha Difaaca dalka Mareykanka
 

Axad, September, 24, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu kulan kula qaato dalka Jabuuti Xoghayaha Gaashaandhiga dowladda Mareykanka Lloyd Austin.

Kulanka labada masuul lagu wado inuu dhexmaro ayaa wararka soo baxaya waxay sheegayaan inuu yahay mid daaran sidii dowladda Mareykanka ay Soomaaliya u siin laheyd taageero Militari oo ay kaga caawinayaan ciidanka Soomaaliya tababar iyo dhanka duqeymaha cirka ee ka dhanka ah kooxda Al-shabaab iyo waliba taageero Bani'aadanimo.

Kulankaan ayaa sidoo kale kusoo beegmaya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay dagaal xoogan kula jirto kooxda Al-shabaab, kaasoo wajigiisa koowaad marayo heer gabagabo ah.

Xoghayaha Gaashaandhiga Mareykanka Jeneraal Austin oo galinkii hore ee maanta gaaray dalka Jabuuti ayaa halkaasi kulamo kula qaatay madaxda dalkaasi Jabuuti iyo saraakiisha gaashaandhigga wadankaas.

Dhanka kale warar ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in askar ka tirsan ciidanka Maraykanka iyo mid ka mid ah ciidamada Kenya in lagu dhaawacay rasaas ay Al-Shabaab ku weerareen saldhigga ciidamada Kenya ee ku leeyihiin deegaanka Kulbiyow ee Jubbada Hoose.

Ururka Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in weerarkaasi ay ku dhaawaceem afar ka mid ah ciidamada Mareykanka iyo sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda kenya, sida ay kooxdu ku shaacisay war ay ku faafisay bog ay ku leedahay Aalada Telegaramka.

Sarkaalka ka tirsan Gaashaandhiga Mareykanka oo VOA-da la hadlay ayaa beeniyay in kooxdu ay dhaawacyo gaarsiisay askar ka tirsan ciidanka Mareykanka oo ay dhaawaceen qandaraasle la shaqeeya Mareynka, isagoona sidoo kale beeniyay in ciidanada Mareykanka ay wax duqeymo ah ka fuliyeen gudaha Soomaaliya Jimcihii lasoo dhaafay.

Hadalka sarkaalka Mareykanka uu ku beeniyay in AFRICOM aysan wax duqeyn ah Soomaaliya kaga fulin Jimcahii lasoo dhaafay ayaa daba socda, kadib markii kooxda shabaab ay sheegtay in diyaaradaha Mareykanka ka dhacay deegaan u dhow Buurdhuxunle oo ka tirsan gobolka Gedo iney ku dhinteen 8 ruux oo isku qoys ahaa oo ay ku jireen caruur, halka duqayntaas ay dawladda federaalka Soomaaliya sheegtay in lagu dilay horjooge lagu magacaabo Isaaq Cabdullaahi iyo 7 ilaaladiisa ah.