7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 24, 2023
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la qaarijiyay madaxii maaliyadda Alshabaab ee gobolka Galgaduud

Axad, September, 24, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerar lagu qaaday goob kutaala magaalada Ceelbuur oo ay ku shirsanaayeen Horjoogeyaal Alshabaab ah, halkaas oo lagu dilay tiro horjoogeyaal ah.

Warka dowladda kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Alshabaab ay howlgalkaasi ay ku waayeen  Horjoogayaal uu ku jiray madaxii maaliyadda kooxda Alshabaab  ee gobolka Galgaduud oo lagu magacaabi jirey Sahal.

Taliyaha Guutada 26aad ee Xoogga Dalka G/le Ismaaciil C/maalik ayaa xaqiijiyey  in hawlgalkaan uu qeyb ka ahaa taageero dhinaca cirka ah oo ay geysteen saaxiibada caalamka. Sidoo kalena lagu laayey xubnihii la socday sarkaalka la beegsaday.

Magaalada Ceelbuur ayaa kamid ah magaalooyin ay dhawaan dowladdu la wareegtay, balse ay markii dambe ciidanku kasoo baxeen.

Alshabaab ayaa dib ugusoo laabtay oo Hadda xukuma halkaasi.