7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 24, 2023
Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo Alshabaab oo ka socda koonfurta gobolka Mudug

Axad, September, 24, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya degaanada Dhagaxdheer iyo Daaday oo hoos taga degaanka  Caad ee gobolka Mudug, ayaa sheegaya in halkaasi uu dagaal ka socdo ka dib markii Ciidanka xoogga, daraawiishta Galmudug iyo xoogagga difaaca Shacabka ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen goob Shabaabku isku aruursaneyeen.

Dagaalka oo ka socda dhulka howdka ah ee deegaankaas ayaa jab xooggan lagu gaarsiiyey Alshabaab, sida uu Warbaahinta dowladda u sheegay wasiir ku xigeenka Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala.

Howlgallo labadii maalmood ee la soo dhaafay ciidanka dowladdu ka wadaeen Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa lagu dilay in ka badan 70 Shabaab ah iyo horjoogayaashooda sida ay dowladdu sheegtay.

Alshabaab ayaa weli ku sugan degaano katirsan gobolka Mudug, inkastoo dowladdu ka saartay magaalooyinkii muhiimka u ahaa sida Bacaadweyne, Camaara, Qaycad, iyo Qodqod, kuwaas oo maalmo ka hor la xoreeyay.

Alshabaab waxay hataan ku harsan yihiin degaano howd ah oo ay kaga dhuumanayaan duqeymaha cirka iyo weerarada tooska ah ee ciidanka Dowladda.