7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 24, 2023
Maxkamadda Ciidamada oo Xukuno kala duwan ku riday gabar iyo rag kale oo basaas u ahaa Al-shabaab

Axad, September, 24, 2023 (HOL) - Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday xubno lagu helay iney ka mid yihiin kooxda Al-shabaab.

Xubnaha lagu helay iney ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab ee Maxkamada xukunada ku riday ayaa kala ah Xaawo Cismaan Cabdi, Cawil Aadan Jamaac iyo Xasan Cali Xasan, kuwaas oo dhamaantood ahaa basaasiin u shaqeynaayay Shabaab.

Xaawo Cismaan Cabdi oo ah gabar da'yar oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay si weyn baraha bulshada u qabsatay markii la sheegay iney Shabaab u aheyd basaas ayaa Maxkamada ciidamada qalabka sida horteeda ka qiratay iney ka tirsaneyd kooxda Al Shabaab oo ay u aheyd keyd hayaha hubka howlgalada looga soo fuliyo Muqdisho iyo nawaaxigeeda, waxaana Maxkamada gabadhaan ku xukuntay 8 sano oo xabsi ah.

Waxaa sidoo kale Maxkamadda ciidamada qalabka sida Cawil Aadan Jaamac ay ku heshay inuu basaas u ahaa kooxda Al-shabaab, kaaso isna maxkamada ku xukuntay 10 sanno oo xabsi ciidan ah.

Maxkamadda ciidamada ayaa sidoo kale Xasan Cali Xasan oo ahaa Nabadoon qurbojoog ahaa ku heshay inuu Al-shabaab dadka ugu geyn jiray goobaha ay joogaan isaga oo taksiile iska dhigaya, waxayna ninkan nabadoon beenaadka u ahaa Shabaab maxkamada ku xukuntay hal sano oo il ku heyn Booliska ah

Gabagabadii maxakamada ciidamada qalabka sida ayaa fasaxday Maxamuud Cabdi Xuseen oo ay sheegtay Maxkamada inuusan lahayn wax dambi ah sida uu shaaciyay gudoomiyaha Maxkamadda darjada koowaad ee ciidanka qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute.