7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 24, 2023
Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada degaanka Soomaalida iyo kuwa Oromada oo maanta ka billowday Qollaji
 

Axad, September, 24, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya Dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in maanta uu mar kale dagaal dib uga bilowday aagga barakacayaasha ee Qollaji, kaas oo u dhaxeeya Ciidamada degaanka Soomaalida iyo kuwa gobolka Oromiya.

Dagaalkan oo billowday wixii ka dambeeyay duhurnimadii maanta ayaa dadka degaankaas oo lasoo xiriiray Warbaahinta waxay sheegeen in dagaalku uu maanta aad u culus yahay, marka loo eego dagaalladii toddobaadkii hore isla aaggan ku dhex maray Soomaalida iyo Oromada, dagaalka maanta ayaa sidoo kale lasoo sheegayaa in la isu adeegsanayo hubka waawayn oo dhawaqa hubkaas laga maqlayo Qollaji iyo dhammaan tuulooyinka u dhaw.

Wali lama helin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan maanta, maadaama ay adag tahay sida xog rasmi ah lagu helo iyadoo walina uu dagaalku socdo lana soo sheegayo in marba marka xigta uu sii xoogaysanayo.

Haddaba saddexdii maalmood ee u dambeeyay ayaa dadka degaanka Qollaji waxay kayare nasteen dagaallo dhawr maalmood ka socday tuulada Qollaji, dagaalladaas oo u dhaxeeyay Soomaalida iyo Oromada, kaas oo markii dambe ay soo kala dhexgaleen Ciidamada Millitariga Itoobiya.

Maalmihii lasoo dhaafay oo Qollaji laga dareemayay deganaasho ayaa dhinaca kale waxaa lasoo sheegayay in Ciidamada Oromiya ay dib isu soo abaabulayeen, kuwaas oo Ciidamo tiro badan kusoo ururiyay meel aan ka fogayn degaanka Qollaji, iyadoo ugu dambeyn galinkii dambe ee maanta ay Ciidamada Oromada ay weerar kusoo qaadeen Qollaji, halkaasna uu ka billowday dagaal u dhaxeeya Ciidamada degaanka Soomaalida iyo kuwa Oromada.