7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 24, 2023
Puntland oo shaacisay magaca sarkaal ka tirsanaa Daacish oo gaajo u geeriyooday
 

Axad, September, 24, 2023 (HOL) - Booliska maamulka Puntland ayaa xaqiijiyey geerida Mohamed Saalim Mohammed oo dhalasho ahaan ka soo jeeday dalka Yemen, kana tirsanaa Kooxda Daacish inuu ku geeriyooday agagaarka Degmada Dhudhub ee Gobolka Karkaar.

Qoraal kasoo baxay booliska ayaa lagu sheegay in uu ka yimid Kooxda uu ka tirsanaa, uuna la socday nin kale oo Soomaali ah, kaas oo Hay'adaha amniga Puntland ay baadi-goobayeen.

Ciidanka Dembi-baarista CID ee Booliska Puntland ayaa sheegay in meydka Mohamed Saalim Mohammed la helay 02 September 2023.

Waxay sheegeen inuu u geeriyooday gaajo iyo haraad, lama oga inuu doonayay inuu ka baxsado Kooxda Daacish iyo inuu u socday hawl-gal kooxdiisa u dirtay.

Geerida sarkaalkaan ayaa kusoo aaday xilli shalay maamulka Puntland uu xukumay saddex xubnood oo katirsan Daacish, kuwaas oo hay'adaha amnigu ku qabteen magaalada Boosaaso

Waxay Kala ahaayeen.

1. Salman Faarax Mohamed 15 sano oo xarig ah,

2. Abdullahi Shire Mohamud oo ahaa Nabadoon Daacishta damiinta waxaa lagu xukumay  5 sano,

3. Mohamed Ahmed Mohamud waxaa lagu xukumay 10 Sano oo Xarig ah.