7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 22, 2023
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay madaxweynaha dalka Mareykanka
 

Jimco, September, 22, 2023 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xame Cabdi Barre ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay kula kulmay madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden.

Raysal Wasaare Xamse iyo madaxweyne Biden ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

"Ra’iisul Wasaaraha ayaa Madaxweynaha kala hadlay sidii dowladda Mareykanka ay u sii xoojin lahayd taageerada dagaalka lagu ciribtirayo Khawaariijta, qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, si ciidamadeena qaranku ay ula wareegaan guud ahaan amniga dalka" ayaa lagu yiri war kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaare Xamse.

Waxaa sidoo kale uu Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre kala hadlay madaxweynaha dalka Mareykanka sidii uu dowladda Soomaaliya uga gacan siin lahaa barnaamijka deyn cafinta ee heerka gabagabada maraya si loo xaqiijiyo Soomaaliya oo gaarta horumar iyo isku filnaansho dhaqaale.

Gabagabadii Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo magaalada New York ee dalka Mareykanka u tagay ka qeybgalka Shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa halkaasi kulamo gaar gaar ah kula yeelaanayay dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay qaar ka mid ah madaxda sare ee ka qeyb galeysa shirka Qaramada Midoobay iyo Madaxda dowladda Mareykanka.