7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 22, 2023
Mareykanka oo kordhiyay lacagaha dul saaran madaxa hoggaamiye ka tirsan Al-shabaab
 

Jimco, September, 22, 2023 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa kordhisay lacagaha dul saaran madaxa Cabdullaahi Cismaan Maxamed oo loo garasha ogyahay Injineer Ismaaciil Dhagacade oo kooxda Al-shabaab u qaabilsan farsamada qaraxyada, islamarkaana ah madaxa qeybta Warfaafinta Al-kataa'ib.

Mareykanka oo ninkaan mudo aad u dheer raadinayo ayaa ka dhigay lacagaha madaxiisa saaran Cabdullaahi Cismaan Dhagacade 5 Milyan oo doolarka Mareykanka ah.

Ninkaan ayaa la tilmaamay inuu sanadkii 2020-kii ka badbaaday weerar aanan lagu guuleysan oo ciidamo Soomaali ah iyo kuwa Amerikaan ah ay ku qaadeen deegaanka Gandarshe oo uu ku sugnaa xiligaas.

“Maxamed, oo sidoo kale loo yaqaano Injineer Ismaaciil, waa khabiirka sare ee dhanka sameynta walxaha qarxa u qaabilsan kooxda argagixisada ah ee al-Shabaab. Waxaa uu sidoo kale la taliye u yahay hoggamiyaha al-Shabaab Axmed Diiriye, islamrkana waa hogaamiyaha waaxda warbaahinta u qabailsan al-Shabaab ee loo yaqaanno, al-Kataib” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay dowladda Mareykanka.

Si kastaba ha ahaatee Cabdullaahi Cismaan Dhegacadde ayaa horay uga soo shaqeeyay qeybta Farsamada ee xafiiska Telefishinka Al-Jazeera ee xaruntiisa magaalada Muqdisho sanadihii 2005 illaa 2009-kii, waxuuna hada ka ka mid ah yahay ragga Mareykanka uu sida weyn u raadinayo.

Waxaa xusid mudan in dowladda Mareykanka ay sidaan oo kale tiro dhowr jeer oo hore lacago Malaayiin doolar ah ay u duldhigtay qaar ka tirsan hoggaamiyaasha kooxda Al-shabaab.