7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 22, 2023
Cali Jeyte "Madaxweyne caawa hadii uu madaxaada fooraro adigo madaxaada fooraro kama tagi doontid Dhuusamareeb"

Jimco, September, 22, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan ayaa xalay magaalada Dhuusamareeb kaga qeyb galay kulan wadatashi oo looga hadlaayay dardargalinta dagaalka ka dhanka ah Shabaab, kaasoo ay goobjoog ahayeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoonka labada Aqal, Xildhibaano, siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan.

Kulanka wadatashi ayaa ahaa mid masuuliyiinta ay is kula gorfeeynayeen habka ugu fudud ee looga adkaan karo dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab.

Madaxweyne Cali Jeyte Cismaan ayaa kulanka ka sheegay in Shabaab laga adkaan karo, islamarkaana haatan aysan jirin wax dambe oo ay ku qaldi karaan dadka Soomaaliyeed.

"Al-shabaab qofkii ugu horeeyay ee la dagaalama ayaan ahay waxan cadeyna in laga adkaan karo oo wad aragteen sidaan ugu jebinay dagaaladii aan la galnay, nadaxweynaha rajadiisa aan ka dhabeyno oo meelaha yar yar ee howdka ah oo ay kaga sugan yihiin Galmudug aan ka saaro waan ka saari karnaaye, Diintii ay ka been shegayeen qof walba wuu ogaaday beentooda"ayuu yiri madaxweynaha Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan.

Madaxweyne Jeyte ayaa sidoo kale kulanka wadatashiga ahaa ee Xalay Dhuusamareeb ka qabsoomay ku balan qaaday in madaxweyne Xasan Sheekh isago madaxiisa hoos u fooraaro uusan ka tagi doonin magaalada Dhuusamareeb.

"Madaxweyne waxaan balan qaadaya inaad Dhuusamareeb ka tagto adigoo madaxada kor u taagan yahay oo cadawga laga adkaaday, dagaalkana waan wadeyna" ayuu yiri Cali Jayte Cismaan.

Kulankaan ayaa imaanaya, iyadoo madaxweynaha dowladda Fedaraalka uu mudo ku dhaw laba bilood u joogo Dhuusamareeb dardar galinta iyo dhameystirka wajiga koowaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Shabaab.