7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 22, 2023
Dowladda Soomaaliya oo dalbatay in la hakiyo wajiga labaad ee bixitaanka ciidanka ATMIS
 

Jimco, September, 22, 2023 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ka codsatay Qaramada Midoobay in la hakiyo qorshaha wajiga labaad ee ka bixitaanka Soomaaliya ee ciidanka ATMIS.

Dalabkaan ay dowladda Soomaaliya u gudbisay Qaramada Midoobay ayaa kusoo aadaya, iyadoo qorshuhu yahay in 3000 oo askari ay ka baxaan Soomaaliya dhamaadka bishaan.

Warqad uu qoray la taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobay looga codsaday in arrimo farsamo darteed dib loo dhigo bixista ciidanka ATMIS.

Arintaan ayaa loo sababeeyay caqabadaha dhinaca amniga ah ee wali jira iyo dagaalada ciidamada dowlada kula jiraan Al-shabaab iyo khasaarahii ciidanka xoogga dalka kasoo gaaray dagaalkii ka dhacay deegaanka Coosweyne 26-kii bishii lasoo dhaafay.

Goobaha la qorsheeyay in ciidamada ATMIS ka baxaan bishaan dhamaadkeeda waxaa ka mid ahaa Madaxtooyada Soomaaliya iyo fariisimo kale oo ku yaala gobolada dalka.

Si kastaba ha ahaate dowlada waxay sheegtay inuusan wax isbadal ah ku imaan doonin qorshaha ay ATMIS guud ahaan uga baxayaan dalka dhamaadka sanadka soo socda ee 2024-ka, hayeeshee haatan ay dooneyso in dib loogu dhigo bixitaanka ATMIS ee 3000 kun ee Askari mudo 90 cisho ah.

Lama oga jawaabta Qaramada Midoobay ka bixin doonto codsiga dowlada Soomaaliya oo ku soo beegmay xili ciidanka ATMIS ay bilaabeen qorshaha dhamaadka bishan dalka uga saarayaan 3000 kun oo askari.

Todobaadkan gudahiisa ayay ATMIS ciidanka Xoogga dalka ku wareejisay saldhigii ugu weynaa ee ATMIS ku laheyd deegaanka Biyo cadde ee gobolka Shabeellaha dhexe.