7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 22, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo markale si kulul uga hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab
 

Jimco, September, 22, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xalay markale si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa ay kula jirto kooxda Al-shabaab oo uu tilmaamay inuu marayo heer gabagabo, maadama laga saaray kooxda dhul baaxad leh oo ay maamuli jirtay sanadahii lasoo dhaafay.

Madaxweyne Xasan ayaa ka digay in lala macaamilo kooxda Shabaab, isagoona xusay in Al-shhabaab dadka ay dilaan kuwa u fududeeya ay yihiin kuwa soo damiinta Shabaab ama lacagaha u qariyo qabyaalad darteed.

“Dadka damiinta Shabaab waxan sheegaya iney yihiin dadka wax haligayo qaybna ka qaadanaya dhibaatada uu geystay qofkaas ay damiinteen sidaas awgeed waxaa loo baahan yahay in laga fogaado, Shabaab kuwa lacagta siinaya, kuwa u qarinaya in ay ku qabiil yihiin ogaada dadka kuwa laynayo waa idinka, nin baa ku dacwoonaya aniga ayaa garanayo oo kan Shabaab ma ahan" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka Soomaaliyeed iney isaga fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin kooxda Shabaab, isagoona ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ku bogaadiyay sida geesimada leh oo ay uga hortagaan weerarada iyo qaraxyada kooxda oo uu ku sheegay iney muujineyso sida ay uga go`antahay ciidamada in Shabaab dalka ka xureeyaan.

Wuxuu xusay in Al-shabaab haatan aysan jirin meel uu dhaqaale kasoo galo, islamarkaana lala xisaabtami doono cid walba oo Shabaab dhaqaalo siisa ama u qariso.

“Geed dhulka lagu beeray ee kasoo baxay ma ahan qaraxyada oo lacag baa lagu soo sameeyay, Gaarigu waala soo iibiyay, biyaha lagu wareejiyay ee aanay xabbadu Karin waala soo iibiyay, qaraxa uu sido oo 12 Shey la isku daray ah waala soo iibiyay, lacagtaas qof Soomaaliyeed baa dhiibay, sidee ayuu nagu qancin karaa lacagtaas ma dhiibin, qaraxyadii waa weynaa ee dadka faraha badan nooga dhintay gaar ahaan Soobe dadkii bixiyay sidee ayay u dhahaan wax ma dilin ama ma sameyn” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalkaan kasoo yeeray madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo beegmaya, iyadoo madaxweynahu uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb mudo ku dhaw laba bilood, halkaas oo uu u joogo dhameystirka wajiga koowaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.