7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 22, 2023
Khilaafkii u dhaxeeyay madaxweynaha maamulka Galmudug iyo ku xigeenkiisa oo xal laga gaaray
 

Jimco, September, 22, 2023 (HOL) - Khilaaf siyaasadeedkii ugu dhaxeeyay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid ayaa ugu dambeyn xal laga gaaray.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in la dhameeyay khilaaf maalmahii dambe ka dhex taagna isaga iyo madaxweynahiisa, hayeeshee muusan shaacin waxa lagu xaliyay khilaafka.

Inta la ogyahay khilaafka labadaan masuul ayaa ahaa mid ka dhashay xil ka qaadis lagu sameeyey wasiirka arrimaha gudaha Galmudug iyo gudoomiyihii degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

“Arrimahaas ma aheyn khilaaf weyn waana laga gudbay. Galmudug saddex sano iyo bar ayay dhisan tahay waa khilaafkii koowaad ee banaanka u soo baxa, iyadana waa laga wada-hadlay haatana wax walba waa caadi, Waqti fiican oo waddanka wax ugu qaban karno oo ku xoreyn karno ayaa inoo dhiman oo sanad iyo wax la jiro ah, waxaana looga gudbayaa midnimo iyo wada-jir” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid.

Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in khilaafka labada masuul uu soo faragaliyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb, kaasoo faray labada dhinac iney dhameeyaan khilaafka dhexdooda ah, islamarkaana xiligaan aan loo baahneyn inuu khikaaf yimaado maadama dalka uu ku jiro xaalad dagaal.