7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 19, 2023
Jabhadii buurta Gacanlibaax oo sheegtay in ay nabad qaadatay
 

Talaado, September, 19, 2023 (HOL) - Jabhadii buurta Gacanlibaax ayaa galabta hubkoodii iyo gaadiidkii ay haysteenba ku wareejiyay guddidii salaadiinta ee ergada ugu tagtay.

Nin sheegay in uu yahay guddoomiye ku xigeenka jabhada oo hadlay isaga oo ay gadaal taaganyihiin salaadiinta iyo xubno jabhada ka mid ah, ayaa ku dhawaaqay in ay nabad qaateen.

"Waxaanu halkan iskugu nimid dhamaantayo intaanu ka tiro leegnahay in aanu ciidankii buurta Gacanlibaax dhamaantii iyga iyo gaadiidkii ay gacanta ku hayeenba ay ku wareejiyaan Suldaan Cadde Gudde" ayuu yidhi.

Jabhadu waxay sheegtay in dablaydii maanta baabuurka kasoo dhacday magaalada Burco anay iyaga ka mid ahayn, isla markaana waxay ku baaqeen in wax laga qabto cidkasta oo ku kacda falal budhcadnimo.

Qayb kale oo jabhada kamid ah ayaa sidookale daraad buurta laga soo dajiyay iyada oo loo qaaday xero tababar si ay tababarka kadib ugu biiraan ciidamada millateriga.