7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 19, 2023
Raysal wasaare Xamse oo kulan gaar ah kula qaatay magaalada Newyork Xildhibaan Ilhaan Cumar

Talaado, September, 19, 2023 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ku sugan magaalada Newyork ee dalka Mareykanka oo uu kaga qaybgalay meertada 78-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ayaa kulan gaar ah la qaatay Xildhibaan ilhaan Cumar.

Xildhibaanad ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Mareykanka iyo Raysal wasaare Xamse ayaa ka wadahadlay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasada, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale la wadaagay Xildhibaanada guulaha ciidamada qaranka iyo dadka deegaanka ay ka gaareen dagaalada dalka looga ciribtiraayo kooxda Al-shabaab.

Waxaa sidoo kale ay ka wadahadleen Raysal wasaare Xamse iyo Ilhaan Cumar sidii ay dowladda Mareykanka u sii ballaarin lahayd taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha.

Gabagabadii raysal wasaare Xamse oo Magaalada New York kaga qaybgelaya meertada 78-aad ee golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ayaa lafilaya inuu halkaasi kulamo gaar gaar ah kula yeesho midada uu joogo qaar ka mid ah madaxda kala duwan ee ka qeybgaleysa meertada 78-aad ee Golaha loo dhan yahay.