7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 19, 2023
Somaliland: Jabhada buurta Gacanlibaax oo weerar ka gaysatay magaalada Burco

Talaado, September, 19, 2023 (HOL) - Jabhada buurta Gacanlibaax ayaa saaka weerar ku qaaday magaalada Burco ee Somaliland, waxayna afduubeen baabuur Lan kurusar ah oo xukuumadu leedahay.

Jabhada oo wadatay saddex baabuur oo ay ku jiraan baabuur ay hore booliiska uga dhaceen, ayaa afduub ku kaxaystay baabuur uu leeyahay maareeye ku xigeenka Wakaalada Biyaha Burco, sidookale telefoonkii maareeyaha ayay qaateen.

Weerarkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee ay jabhadu ku afduubato baabuur, iyaga oo dhawaan baabuur ay xukuumadu leedahay ka afduubtay degmada Dhoqoshay ee isla gobolka Togdheer, inkasta oo ay markii danbe sii daayeen.

Sidookale baabuur ay leedahay hay'adda miino baadhista ee Hello Trust, ayay ka afduubteen magaalada Oodweyne, ilaa iyo hadana dib umay celin. Jabhada ayaa sidookale degmada Go'dayar oo u dhaw buurta Gacanlibaax ka gaystay weerar ay ku dileen in ka badan 10 askari oo booliis ah.

Odayaasha dhaqanka ayaa wada dadaalo jabahada hubka lagaga dhigayo, iyada oo la sheegay in qayb ka mid ah hub ka dhigis lagu sameeyay, lakiin ilaa hada waxa muuqada in hoggaanka jabhadu anay ku qancin waan waanta iyo dadaalada hub ka dhigista.