7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 19, 2023
Diyaarad helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada Kenya oo ku burburtay xadka Soomaaliya

Talaado, September, 19, 2023 (HOL) - Diyaarad nooca qumaatiga u kacda ayaa maanta oo Talaado ah waxa ay ku burburtay meel u dhow xuduudka ay Soomaaliya la wadaagto dalka Kenya.

Ilaa hadda ma cadda waxa sababay shilkan diyaaradeed ee ka dhacay gobolka Lamu ee xeebta dalka Kenya.

Ciidamada difaaca Kenya ayaa ka howlgala aaggaas si ay gacan uga geystaan ka hortagga kooxda Al-Shabaab, oo saldhigyo ku leh xuduudka Soomaaliya.

Waaxda Difaaca Kenya ayaa sheegtay in diyaaradda Helicopter-ka ee Ciidanka cirka ay burburtay xilli ay habeenkii roondo ku jirtay.

Guddiga baaritaannada ayaa la sameeyay oo loo diray goobta si ay u ogaadaan sababta shilka keentay.

Saraakiil magacooda qariyay, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in dhammaan askartii iyo shaqaalihii saarnaa diyaaradda helikobtarka ay dhinteen.

Maalmo ka hor diyaaradaha Kenya ayaa duqaymo ka geystay gobolka Gedo, iyagoo sheegay inay bartilmaamsadeen saldhigyo Shabaabku lahaayeen.